Home Wararka Somaliya Jubbaland Cabdirashiid Janan oo soo bandhigay Sababta ay isku Khilaafeen Axmed Madoobe

Cabdirashiid Janan oo soo bandhigay Sababta ay isku Khilaafeen Axmed Madoobe

0

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya la heshiiyay ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam ( Axmed Madoobe).

Janan waxaa uu sheegay in sababaha ay isku khilafeen Madaxweynaha Jubbaland ay tahay in kaliya uu doonayo in uu noqdo qofka ugu sareeya iyo qofka ugu hooseeya Maamulka Jubbaland, isla markaana qof kale uusan waxba u ogoleyn.

Waxaa uu ku eedeeyay in Axmed Madoobe uu ku fashilmay in muddo laba sano ah oo aga joogo dib u doorashadiisa uu soo Magacaabo Golihiisa Wasiirada, isla markaanq ofka kaliya ee hadda maamulka Jubbaland kajira uu yahay Axmed Madoobe.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa dhawaan dowladda Soomaaliya waxaa ay keentay Magaalada Muqdisho, iyada oo intaasi wixii ka dambeeyay aan wax War ah laga helin.

Ad
Previous articleKooxo Hubeysan oo Gaalkacyo ku dilay Sarkaal Ciidan iyo Faafaahino laga helayo Dilkaasi
Next articleGolaha Amaanka ee QM oo War Deg Deg ah ka soo saaray Xaaladda Doorasho ee Somaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here