Home Wararka Somaliya Kooxo Hubeysan oo Gaalkacyo ku dilay Sarkaal Ciidan iyo Faafaahino laga helayo...

Kooxo Hubeysan oo Gaalkacyo ku dilay Sarkaal Ciidan iyo Faafaahino laga helayo Dilkaasi

0

Kooxo hubeysan ayaa xalay waxaa Waqooyiga Magaalada gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada booliska Puntland gaar ahaan qeybta hay’adda dambi baarista.

Mas’uuliyiin ka tirsan Mamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa xaqiijiyay dilka Sarkaalka oo lagu Magacaabi jiray Cumar Maxamed Samatar, isla markaana dilkiisa ay ka dambeeyeen Saddex Rag ah oo watay Mooto Bajaaj xilli uu kusii jeeday Hooygiisa.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland  Korneyl Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah raggoo dilka u geystay Sarkaalka.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Taliyaha in Ciidamada ay ku raadjoogaan rag kale oo la socday midka ay u qabteen dilka Sarkaalka, isla markaan wixii soo kordha ay Warbaahinta la wadaagayaan.

Wararka saaka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Puntland ay wadaan howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala eegto Mas’uuliyin ka tirsan Puntland, waxaana mas’uuliyada dilalkaas sheegta Ururka Al-Shabaab.

Ad
Previous articleTaliyiha Boliiska Galmudug oo Dhaawac Loo gaystay
Next articleCabdirashiid Janan oo soo bandhigay Sababta ay isku Khilaafeen Axmed Madoobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here