Home Wararka Caalamka Biriq Ku Dhacday meel Ku Dhow Aqalka cad ee Mareykanka iyo khasaaro...

Biriq Ku Dhacday meel Ku Dhow Aqalka cad ee Mareykanka iyo khasaaro ka Dhashay(Sawiro)

0

Ugu yaraan afar qof ayey dhaawacyo halis ah ka soo gaareen biriq ku dhacday meel u dow Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareykanka xili ay halkaas ka da’ayeen roobab lixaad leh.

Sida ay sheegeen saraakiisha booliska, Dadka dhaawacmay oo kala ah labo nin iyo labo dumar ah ayaa xilliga ay biriqda ku dhacday ku sugnaa goobta lagu nasto ee Lafayette oo ku taalla magaalada caasimadda ah ee Washington

Waxaa markiiba ku orday goobtaas xubno ka tirsan ciidanka sirdoonka ee ilaalada u ah madaxweynaha Maadaama goobta ay musiibadu ka dhacday ay aad ugu dhow dahay Aqalka Cad ee uu fariisto madaxweynaha Mareykanka.

Waxay ka mid noqdeen dadkii ugu horreeyay ee caawiyay afarta ruux ee dhaawaca halista ah uu soo gaaray.

“Dhammaan afartooduba waxay qabaan dhaawacyo khatar gelinaya noloshooda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay waaxda dab demiska ee magaalada Washington DC.

Waaxda Qaran ee Cimilada Mareykanka ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii soo saartay digniin ku saabsan roob wata biriq iyo gugac ku soo wajahan magaalada Washington iyo nawaaxigeeda.

Ad
Previous articleAlshabaab oo weerar Culus ku Qaaday saldhig ay ciidamada Kenya Daganaayeen
Next articleFaahfaahin Laga Helay Dil Loo Gaystay Dalmar Xuseen Gacal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here