Home Wararka Maanta Faahfaahin Laga Helay Dil Loo Gaystay Dalmar Xuseen Gacal

Faahfaahin Laga Helay Dil Loo Gaystay Dalmar Xuseen Gacal

0

Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa maqribnimadii xalay degmada Deyniile ku dishay wiil dhakinyara ah, kaasoo Darawal ka ahaa mid kamida gawaarida gurmadka deg dega ee Ambalaasta.

Dilka waxa uu si gaar ah uga dhacay xaafada Siisii, iyadoo marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Dalmar Xuseen Gacal uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan marxuum Dalmar Xuseen Gacal waxa uu wade ka ahaa Gaari Ambalaas ah oo ay leedahay degmada Deyniile, kaasoo lagu qaado dadka xaaladaha dag daga wajaha, wuxuuna kamid ahaa shaqaalaha u diiwaan gashan dowladda Hoose.

Kooxihii dilka geystay oo watay bistoolado ayaa toogashada kadib goobta isaga cararay, waxaana daqiiqado kadib tagay ciidamadda amaanka oo sameeyay howlgalo aan wax natiija ah ka dhalan.

 

 

 

Ad
Previous articleBiriq Ku Dhacday meel Ku Dhow Aqalka cad ee Mareykanka iyo khasaaro ka Dhashay(Sawiro)
Next articleXasaasi:Itoobiya Oo Diyaarad Milatari Usoo Dirtay Laftagareen Xili Roboow Wasiir Laga Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here