Home Wararka Somaliya Beesha Caalamka Oo Farriin U Dirtay Madaxda ee Ku Shiraya Magaalada Dhuusamareeb

Beesha Caalamka Oo Farriin U Dirtay Madaxda ee Ku Shiraya Magaalada Dhuusamareeb

0

Beesha Caalamka ayaa war kasoo saartay shirka ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug, kaasi oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka.

Qoraal kasoo baxay Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalmaka ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan shirkaasi, waxaana madaxda halkaasi ku kulansan ay ku boorriyeen in ay sii wadaan wada xaajoodka, waxaana intaas ay ku dareen in la joogaa xilligii la gaari lahaa is-afgarad  si loo hirgeliyo heshiiskii 17-kii Sebtember ee doorashooyinka.

“Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan wada hadalada socda ee u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Dhuusamareeb ka socda, waxa  ayna ku boorrinayaan kaqeybgalayaasha in ay sii wadaan wada xaajoodka: hadda waxaa la joogaa xilligii la gaari lahaa is-afgarad  si loo hirgeliyo heshiiskii 17-kii Sebtember ee doorashooyinka” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka.

Shirka ka socda Dhuusamareeb ayaa maanta furmay, waxaana lagu gor-faynayaa arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan doorashooyinka dalka ka dhici doona, iyadoo uu jiro Khilaaf xooggan oo u dhexeeya Dowladda dhexe iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Ad
Previous articleIs-fahan laga gaaray Qodob kamid ah Qodobada Looga Hadlayo Shirka Dhuusamareeb
Next articleEx Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka digay muddo kororsi kana hadlay shirka Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here