Home Wararka Somaliya Is-fahan laga gaaray Qodob kamid ah Qodobada Looga Hadlayo Shirka Dhuusamareeb

Is-fahan laga gaaray Qodob kamid ah Qodobada Looga Hadlayo Shirka Dhuusamareeb

0

Xilli weli uu magaalada Dhusamareeb uu ka socda shirka dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in isu soo dhawaasho ay jirto.

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo BBC u waramay ayaa sheegay in illaa iyo hadda uu shirka si habsami leh uu u socdo.

Waxaa uu intaa ku daray in ay jiraan qodobo is-faham laga gaaray.

Cali Ciid ayaa carrabka ku dhuftay in qodobka soo xulidda xildhibaanada baarlamaanka ee gobolladii Waqooyi ama Somaliland ay dhinacyada is-fahan ka gaareen.

“Qodobkii ugu horreyay oo ah dhanka Somaliland inta aan ogahay is-fahan aad u ballaaran ayaa laga gaaray, waxna way ka dhiman yihiin,” ayuu yiri madaxwayna kuxigeenka Galmudug.

Waxaa uu intaa ku daray in wadaxaajoodka qodobka soo xullidda xubnaha baarlamanka Somaliland ay ku lug lahaanayaan gudoomiyaha aqalka sare iyo ra’iisul wasaara kuxigeenka xukuumadda federaalka

Ad
Previous articleWararka laga helayo Shirka Dhuusomareeb oo maanta mar kale dib u bilowday
Next articleBeesha Caalamka Oo Farriin U Dirtay Madaxda ee Ku Shiraya Magaalada Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here