Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya oo Beri Shir yeelanaaya Maxay Ka wada Hadlayaan(Xog)

Baarlamaanka Soomaaliya oo Beri Shir yeelanaaya Maxay Ka wada Hadlayaan(Xog)

0

Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah yeelanaya kulan weyne wada-jir ah, kadib markii uu maanta guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka uu shaaciyay in uu dejiyay jadwalka doorashada.

Sida ay ogaatay Mudug24, Xildhibaanada ayaa goordhoweyd waxaa loo diray fariin sheegaysa in maalinta berri ah saacadu markay tahay 9:00 subaxnimo uu goluhu leeyahay kulan.

Fariinta loo diray Mudaneyaasha labada gole ayaa waxaa lagu sheegay in ajendaha kulankaas uu yahay Ansixinta wax ka bedelka habraaca ku-meel-gaarka ah ee u gaar ah doorashooyinka guddoonka labada gole iyo Madaxweynaha.

Sidoo kale waxa lagu kala qaadan doono kulankaas warbixin ku saabsan howlaha u qabsoomay iyo kuwa soo socda ee Guddiga qaban-qaabada Golaha Shacabka.

“Mudane Xildhibaan Beri oo Isniin ah Tariikhdu tahay 18 April, waxaa jira Kulan weyne Wadajir labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Agendaha: 1. Ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha iyo 2. Warbixin ku saabsan hawlaha u qabsoomay iyo kuwa soo socda ee Guddiga Qabanqaabada Golaha Shacabka – Saacadu waa 09:00 subaxnimo,” ayaa lagu yiri farriinta.

Guddoonka Ku-meel-gaarka ah ee labada Gole ayaa hore iskula qaatay in la dardar-geliyo doorashada guddoonka, ayada oo labada dhinac ay soo saareen guddiyo ka shaqeeya arrintaas.

Ad
Previous articleDeg deg: Dacwadii Fahad Yaasiin oo la Mudeeyey
Next articleDaaud Cadar Cilmi oo lagu Dilay Muqdisho iyo Faahfaahin laga Helay Dilkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here