Home Wararka Maanta Baarlamaanka Oo Maalintii 3-Aad Dood Adag Ka Yeelanayo Miisaaniyadda 2022

Baarlamaanka Oo Maalintii 3-Aad Dood Adag Ka Yeelanayo Miisaaniyadda 2022

0
Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii 3-aad maanta dood adag ka yeelanaya Miisaaniyada 2022, iyagoo su’aalo weydiinaya wasiirka maaliyada xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle.

Wararka la helayo waxey tilmaamayaan in fadhigga manata go’aan kama dnabeys ah looga soo saari doono ka hadalka Miisaaniyadda, iyadoo gudoonka baarlamaanka uu go’aan ka soo saari doono miisaaniyadda dowladda.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Bayle oo labadii maalin ee ina dhaaftay wajahayay su’aalaha xildhibaanada golaha shacabka iyo aqalka sare, ayaa arrimaha wax laga weydiiyay waxaa qeyb ka eheyd xisaab celinta miisaaniyadii afarta sano ee kala ah; 2018, 2019, 2020, 2021 iyo halka ay ku maqan tahay lacag dhan 193 Milyan oo Dollar.

Si kastaba, Wasiir Bayle ayaa maalmihii dambe wajahayay tuhuno la xiriira mad-madow badan oo ka jira xisaab-xirada dowladda, isaga oo iska diiday kulan wax looga weydiinayo arrimahaas oo ugu yeeray Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Isniintii odobaadkan.

 

 

Ad
Previous articleDowladda Baxreyn oo ka Hadashay Xaalada Caafimaad ee Madaxweynaha Soomaaliya
Next articleBoqorka Malaysia ayaa yiri: Waxaan ka baqayaa anniga oo aan tegin Somalia inaan dhinto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here