Home Wararka Somaliya Jubbaland Alshabaab oo Weerar Madaafiic ah Ku Qaaday Saldhig ay Daganaayeen Ciidamada Dowlada

Alshabaab oo Weerar Madaafiic ah Ku Qaaday Saldhig ay Daganaayeen Ciidamada Dowlada

0

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii waxay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan degaanka la weeraray ayaa waxay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Jubbaland & agagaarkeeda.

Dadka degaanku waxay sheegeen ineysan cadeyn karin inuu jiro khasaare ka dhashay weerarkaas iyo in kale..

Afhayeenka Jubbaland ayaa sheegay in weerarkaas aysan ka dhalan wax khasaaro ah, balse madaafiicdas ay ku dhaceen qaarkood guryo ay deganaayeen dad rayid ah.

Ciidamada daraawiishta Jubbaland oo ka jawaabaya weerarkaas ayaa howlgalo ka bilaabay duleedka degmada Afmadow iyagoo baadi goobaya raggii weerarka soo qaaday oo baxsaday.

Dhowaan ayey aheyd markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku bilowday qarax gaari iyo mid toos ahba ku qaadeen saldhiga ciidanka Jubbaland ee ku yaalla degmada Afmadow.

Ad
Previous articleMareykanka oo xabsiga Guantanamo Bay ka sii daayey Cabdulraxiim Axmed iyo Maxamed Axmed oo walaalo ah kadib 21 sano oo uu Xabsi ku Haayay (Sawirro)
Next articleAlshabaab oo ku Dhaawaqay Howlgal Cusub oo ay ka Bilaabayaan Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here