Home Wararka Maanta Alshabaab oo ku Dhaawaqay Howlgal Cusub oo ay ka Bilaabayaan Magaalada Muqdisho

Alshabaab oo ku Dhaawaqay Howlgal Cusub oo ay ka Bilaabayaan Magaalada Muqdisho

0

Afhayeenka howl-gallada kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa ku dhawaaqay howl-gal uu sheegay in maleeshiyaadka kooxda ay ka bilaabi doonaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Abuu Muscab ayaa waxa uu sheegay in kooxda ay magaalada Muqdisho ka fulin doonto howl-gallo ay ku baacsaneyso kooxaha ciyaal weerada iyo kuwa ka ganacsada daroogada noocyadeeda kala duwan.

“Ciidankeena Muqdisho ka howl-gala waxay amar ku qabaan in ay tallaabo ka qaadaan dadka xummaantaas ku lug leh, cid walba oo arrimahaas gurrucan ku leh waxaan leenahay waan kaa war haynaa oo waan kugu soo soconnaa, waxaan kuugu baaqeynaa in aad ka towbad-keentaan xumaanta aad faraha kula jirtaan inta aanan kusoo gaarin,” ayuu yiri Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta kooxda

Abuu Muscab ayaa sheegay in arrintaan ay daba socoto kadib cabashooyin badan oo uu sheegay in dadka Muqdisho u gudbiyeen kooxda, kuwaasi oo la xiriira halista ay kooxahaasi ku hayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale u digtay goobaha habeenkii lagu caweeyo, oo ay sheegeen in xumaan lagu faafiyo, sida ay baahisay warbaahinta kooxda.

Hadalkan kasoo yeeray Afhayeenka howl-gallada kooxda Al-Shabaab ayaa imanaya xilli kooxda looga adkaaday dagaalka ka dhanka ah ee ka socda gobollada dalka, wallow ay weli weeraro iyo dilal qorsheysan ay kooxdu ka geysato magaalada Muqdisho.

Kooxdan ayaa iyadu inta badan sheegata inay ka shaqeyso masaalixda bulshada, hase yeeshe xaqiiqadu waa ka duwan tahay taasi, waxayna dhawaan Culimada Soomaaliyeed ay sheegeen inay yihiin Khawaarij.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Madaafiic ah Ku Qaaday Saldhig ay Daganaayeen Ciidamada Dowlada
Next articleWararkik Ugu Danbeeyey Dagaalka Ka Socda Laasacaanood iyo Dhimashada oo 100 Qof ku Dhow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here