Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo War layaableh Kasoo saartay Shacabkii ay ku laayeen Afar irdood

Alshabaab oo War layaableh Kasoo saartay Shacabkii ay ku laayeen Afar irdood

0

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroor hore dad badan oo la socday gaadiid xamuul siday iyo kuwa kale oo safar ahaa ku laayay deegaan lagu magacaabo Afar Irdood oo kuyaalla inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Maxaas.

Warbaahinta Al Shabaab taageerta war lagu daabacay iyaga oo soo xignaya saraakiil katirsan Al Shabaab ayey ku sheegeen in weerarka dadka lagu laayay ay ahaayeen maleeshiyaad katirsanaa macaawiisleyda.

Al Shabaab ayaana sheegtay in gaadiidka la weeraray oo kasoo baxay Magaalada Baledweyne ay hub iyo saanad u wadeen maleeshiyadaka macawuusleyda, oo ay ku eedeeyeen in falal ammaan darro ka abuureen deegaanada ay joogaan.

Waxa ay sheegeen Al Shabaab in weerarka ay ku qaadeen gaadiidka ku dileen dad gaaraya 20-qof ay ku sheegeen macawiisley, waxa ayna Al Shabaab xuseen in weerarkaasi lagu gubay ilaa 8-gaari oo xamuul siday.

Warkan kasoo baxay Al Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli saakay dad badan oo shacab ah lagu laayay  inta u dhaxeysa Baledweyn iyo Maxaas, dadka la dilay ayaana u badnaa darawaladii gaadiidka la gubay iyo kuwa kale oo la socday.

Ad
Previous articleDEG DEG: Ciidamada Galmudug iyo Alshabaab oo Qarka Isku Saaran lagana Cabsi Qabo Dagaal
Next articleGalmudug oo la wareegtay gaadiid ay UK ugu deeqeen (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here