Home Wararka Somaliya Abshir Bukhaari Oo Ka Hadlay Go’aankii Doorashada Loogu Wareejiyay Rooble

Abshir Bukhaari Oo Ka Hadlay Go’aankii Doorashada Loogu Wareejiyay Rooble

0

Abshir Bukhaari Oo Ka Hadlay Go’aankii Doorashada Loogu Wareejiyay Rooble

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Senator Abshir Maxamed Axmed Bukhaari ayaa ka hadlay Go’aankii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kula wareegay maamulka Doorashada iyo amniga.

Senator Abshir Bukhaari oo Qoraal soo saaray  ayaa waxaa uu kusoo dhaweeyay Go’aankii Ra’iisul Wasaaraha loogu wareejiyay Doorashada iyo amniga Qaranka, isla markaana sheegay in heshiiskii 17 Sebtembar 2020 uu yahay saldhiga laga duulayo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayuu Alle uga baryay inuu u fududeeyo Mas’uuliyadaas adag ee uu u dhiibay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo, uuna u guto si xilkasnimo iyo hufnaan ay ku jirto.

“Waxaan soo dhaweynayaa kaalinta iyo qorshaha cusub oo uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kula wareegayo maamulka doorashooyinka, dardargelinta amniga doorashada dalka iyo sidoo kale amniga guud ee qaranka, iyadoo Heshiiska 17 Sebtembar 2020 uu yahay saldhiga laga duulayo” ayuu yiri Abshir Bukhaari.

Sidoo kale waxaa uu Qoraalkiisa sii raaciyay “Rajo xumada, is-aaminaad la’aanta, kala-fogaanshaha iyo dhammaan xasaradaha dalka ka jira waxaa looga gudbi karaa in la qaado wado cusub oo ku dhisan is-aaminaad, isku-turid iyo wadar-ogol, waxaana rajo weyn ka qabaa in uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Roble uu ku guuleysto waajibkaas culus waana midaas mida RW Rooble laga rajeynayo, garab istaag buuxana uu ku mudan yaha”.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xalay sheegay in xukuumaddu soo bandhigi doonto qorshaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha guud ee Amniga Qaranka, isla markaana uu dhawaan shir isugu yeeri doono Madaxda dowlad Goboleedyada dalka.

Ad
Previous articleFarmaajo oo Wareejiyay Amniga iyo Hanaanka Doorashada Dalka
Next articleLabo wiil oo Somali Walaalo ah oo lagu dilay Dalka Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here