Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Aamino Maxamed Malaaq oo laba Cishe kadib la Helay Meydkeeda Yaa Dilay?

Aamino Maxamed Malaaq oo laba Cishe kadib la Helay Meydkeeda Yaa Dilay?

0

Meydka haweeney Magaceeda lagu sheegay Aamino Maxamed Malaaq ayaa laga helay xaafad ka tirsan magaalada Baydhabo ka dib markii muddo labo cisho ah la weysanaa.

Laamaha amaanka Koonfur galbeed ayaa haweeneyda meydkeeda ka soo saaray meel musqul ah oo ku dhex taalla guri Jiingad ka sameysan iyadoo garbaduub u xiran.

Haweeneydan oo ka tirsaneyd ganacsatada magaalada Baydhabo ayaa waxaa jirkeeda ku muuqday dhaawacyo halis ah oo  sababay geerideeda.

Laamaha amaanka Magaalada Baydhabo ayaa sheegay iney baarayaan sababta iyo cida ka dambeysay dilka hooyadan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dilka hooyadan uu ka dambeeyey nin la sheegay iney ku laheyd lacago fara badan oo deyn ah kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyey Goomey.
Ad
Previous articleDadka Badan Boqolaal Ruux oo Gaajo iyo Haraad ugu Geeriyooday Gobalka Gedo
Next articleP.M Rooble oo loo Magacabaayo Safiir Mid ka Mid ah Dalalka Carbeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here