Home Wararka Maanta Aadan Madoobe oo U Hanjabay Golaha Shacabka Xili kooram la.aan loo ansixin...

Aadan Madoobe oo U Hanjabay Golaha Shacabka Xili kooram la.aan loo ansixin la.yahay Raysulwasaare cusub ee Xamse Barre

0

Kulamo xildhibaanada golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya yeelan lahaayeen ayaa dhoor mar u baaqday kooram la’aan, waxa ayna taasi ka careesiisay guddoonka golaha shacabka .

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa qaar badan oo kamid ah ku maqan yihiin fasax la’aan dalka dibadiisa halka kuwa kalana ay joogaan magaalada Muqdisho balse aan xaadirin kulamada golaha leeyihiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa sheegay in hadda kadib lala xisaabtamayo xildhibaanada aan imaan fadhiya baarlamaanka cudur daar la’aan iyo fasax.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in gunno fadhi oo lacago lagu siinayo Xildhibaannada lagu soo kordhin doono si loo helo shuruuc toos ah oo qabta Xildhibaanka , waxa ayna gunnadan xildhibaano badan ku qasbeysaa in kulamada baarlamaanka soo xaadiraan.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in lacagtan ay lamid tahay mushaarka la siiyo dowladda, marka uu fadhiga tagana uu qaadanayo haddii uu maqnaadana bilaa cudur daar lala xisaabtamayo sida fasaxyada u banneenaya in uu maqnaado mudanaha balse lala ogyahay.

Xildhibaanada cusub ee golaha shacabka ayaa u badan kuwa danno gaar ah lagu soo xulay balse aan ku imaan rabitaanka dadka ay matalaan, xildhibaanada qaar ayaana kaliya baarlamaanka usoo galay xasaanad iyo arrimo kale oo iyaga u gaar ah.

 

 

 

Ad
Previous articleWaa Kee Dalka Labaad ee uu Booqan Doono Madaxweyne Xasan Shiikh Imaaraadka Kadib?
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo shir gudoomiyay shirkii ugu dambeeyay {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here