Home Wararka Maanta Aabe nin wiilkiisa dilay ku toogtay goob Fagaare ah oo ay dad...

Aabe nin wiilkiisa dilay ku toogtay goob Fagaare ah oo ay dad badan joogeen

0

Garoon lagu ciyaaro oo ku yaal koofur galbeed gobolka Farah ee dalka Afganista,n waxaa ka dhacay xukun dil ah oo dad badan usoo daawasho tageen, waxaana dilkaasi gacantiisa ku fuliyay aabaha dhalay nin uu horey u dilay gacan ku dhiiglaha la tooganayay.

Kooxda Taalibaan ee talada dalka Afganistan heesa ayaa xukun dil ah ku riday ninka dilka geestay, waxaana Taalibaan u ogolaatay aabaha dhalay ninka horey loo dilay in gacantiisa ku fuliyo dilka qisaasta ah.

Afhayeen u hadlay kooxda Taalibaan ayaa sheegay aabaha dhalay ninka horey loo dilay gacantiisa ku dilay ninka xukunka lagu fulinayay, waxa uuna xusay in aabaha uu saddex xabadood ku dhuftay gacan ku dhiiglaha.

Garoonka xukunka dilka ah ka dhacayay waxaa ku sugnaa madax iyo saraakiil katirsan kooxda Taalibaan, waxaa sidoo kale halkaasi isugu yimid dad badan oo daawanayaya sida xukunka u dhacayay.

Xukunka dilka ah ayaa kusoo aadaya xilli hoggaamiyaha sare ee Taliban Haibatullah Akhundzada  soo saaray  amar bishii hore, kaa uu ku amrayay  garsoorayaasha inay hirgaliyaan shareecada kuna ridaan ciqaabo kuwa lagu helo dambiyo.

Ad
Previous articleDegmada Guriceel oo Maantay Lagu Doortay Gudoomiyaha Degmadaas
Next articleGolaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo Maantay ansixiyey labo sharci oo xasaasi ah oo Ka Dhan ah Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here