Maamul goboleedka Puntland ayaa shuruudihii ugu adkaa ku xiray ka qeyb galka shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo ee looga hadlayo muranka ka taagan arimaha doorashada Soomaaliya .
Qoraal dheer oo kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ka qeyb galeyso shirarka looga hadlayo arimaha doorashada marka la fuliyo 8-shuruud uu maamulka ku xiray in la fuliyo .
Sharuudaha Puntland ku xireen ka qeyb galka shirka ayaa kamid ah in xilalka laga qaado taliyaasha ciidamada Milatariga , Booliiska iyo Nabad suguda iyo in sidoo kale in beesha Caalamka damaanad noqotaa qodobada kasoo baxa heshiisyada doorashada.
Ad