Home Wararka Somaliya Dadaalo laga dhex waday Raisal Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta oo Fashilmay

Dadaalo laga dhex waday Raisal Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta oo Fashilmay

0

Saacadihii la soo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho ka socday dadaalo loogu kala dab qaadayay Xubaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha & siihayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha ee Maxamed Xuseen Rooble, si loo baajiyo banaanbaxa ay ku dhawaaqeen musharixiinta.

Wararka laga helay kulamadii dhacay oo ay hor boodayeen  Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooqoor iyo xubno kale ayaa sheegaya in uu guuldareystay, kadib markii ay soo wajaheen caqabado  waaweeyn dadaalkii socday.

Xubnaha uu horkacayay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa waday sidii ay u kulmi lahaayeen Midowga Musharixiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ee Maxamed Xuseen Rooble si ay uga wada hadlaan joojinta banaanbaxa Jimcaha.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in waan wantii hore ay ku saleysneyd in xukuumadda xilka siiheysa ay raali-gelin ka bixiso wixii dhacay 19-kii Febaraayo, kadibna laga wada hadlo sidii xaalada loo qaboojin lahaa, hayeeshee la sheegay inay ku adkaatay dhinaca Madaxtooyada.

Xubnaha Midowga Musharixiinta oo ay horkacayaan Madaxweynayaal hore Xasan Sheekh Maxamuud & Sheekh Shariif ayaa waxaa ay ku adkeysanayaan in Jimcaha uu dhacayo banaanbaxa, halka Madaxtooyda Soomaaliya ay xoog iyo xeelad u adeegsaneyso sidii lagu joojin lahaa.

Todobaadkii hore 19-kii Bishan Febaraayo ayaa dowladda Soomaaliya hor-istaagtay banaanbax ka dhici lahaa Taalada daljirka Daahsoon, halka Musharixiin ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre & Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur & tageerayaashooda la rasaaseeyay xilli ay ku banaanbaxayeen wadada ka timaada Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleSarkaal ka Tirsan Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamadda Dowladda ee Gobalka Mudug.
Next articleAkhriso:- Puntland oo ku xirtay 8 Sharuudood ka qeyb galka Shirka Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here