Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shir Deg Deg ah uga socdaa Xarunta Afisyooni ee Muqdisho waxaana Shirka Qeyb ka ah Wakiilada Beesha Caalamka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaana shir guddoominaya, waxaana shirka looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka iyo taageerada dhaqaale ee Beesha Caalamka ku bixineyso Hirgelinta hannaanka doorashada.
Shirkaan ayaa ku soo aadaya xilli Habraacii Doorasho ee dhawaan ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran ay ka soo Horjeesteen Musharaxiinta Madaxweynaha, Bulshada Rayadka iyo Odayaasha dhaqanka.
Ad