Home Wararka Maanta Shabaab oo dagaal kula wareegay Degmada Camaara ee Gobalka Mudug

Shabaab oo dagaal kula wareegay Degmada Camaara ee Gobalka Mudug

0

A-shabaab ayaa saaka la wareegtay gacan ku heynta magaalada magaalada Camaara ee gobolka Mudug, kaddib markii ay deegaankaas ku soo qaadeen weerar ku billowday Qarax ay la eegteen xerada ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Ilo wareedyo ku sugan Camaara ayaa xaqiijiyay in ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa Danab iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo maleeshiyada Al-shabaab dagaalka laga galay ay iskaga baxeen deegaankaas, Isla markaana ay Al-shabaab la wareegtay gaadiid dagaal.

Khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalkan ilaa hadda ma cadda, iyadoo saraakiisha ciidamada iyo madaxda Galmudug aysan wali ka hadlin weerarken.

Horraantii bishan ayay ciidmada dowladda iyo kuwa Galmudug la wareegeen magaalada Camaara oo in muddo ah ay joogeen Al-sbabaab, waxaana howlgallo wadajir ah oo ay fuliyeen Galmudug iyo dowladda Soomaaliya ay Al-shabaab uga xoreeyeen degmooyin ay ku jirto Bacaadweyn, magaalooyin iyo tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Mudug.

Ad
Previous articleDagaalo Culus ayaa ka bilaawday Degmada Camaara ee Gobalka Mudug
Next articleShir Deg Deg ah oo u dhaxeeyay Beesha Caalamka iyo Golaha Wadatashiga qaran oo Muqdisho ka socda (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here