Madaxweynaha maamulka SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo Xalay ka hadlaayay munaasibad balaaran oo ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ugu baaqay Somaliland nabad iyo deris wanaag shuruud la’aan ah.
Madaxweyne Firdhiye ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay ku baaqayeen nabad, isagoona tilmaamay in hadda kadib aysan ogolaan doonin nabad wax u dhimeysa jiritaanka maamulka SSC Khaatumo.
“Laga soo bilaabo 25-kii August 2023-kii, waxa aanu ku baaqnay nabad, welina waan ku taagan nahay. Nabad aanay shuruudi ku xidhnayn ayaan diyaar u nahay. Laakiin aqbali mayno nabad wax u u dhimayso doonistayada,” ayuu yiri Madaxweynaha SSC Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye.
Cabdiqaadir Firdhiye ayaa sidoo kale ka codsaday dowladda federaalka iney qaadato doorkeeda ku aadan wada hadalada nabada ee Somaliland iyo SSC Khaatumo.
“Xukuumadda Danqaran iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan ugu baaqaynaa iney qaataan doorka hoggaamineed ee nabadda, intii ay dowlado shisheeeye qaadan lahaayeen, ha isu keen keento oo ha na wada hadashiiso, Wanaag aan waxba ka hoosayn ayaan rajaynaynaa” ayuu yiri madaxweyne Firdhiye.
Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso halis amni oo cusub oo ka imaanaysa Al-Shabaab oo markale xoogeysanaya, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF). UK