Home Wararka Caalamka Sweden oo Poland u diraysa nidaamka difaaca cirka ee Patriot

Sweden oo Poland u diraysa nidaamka difaaca cirka ee Patriot

0

Sweden ayaa go’aansatay inay Poland u dirto hal nidaam difaaca cirka ah oo Patriot ah iyo in ka badan 100 askari, si ay u ilaaliyaan garoon diyaaradeed ku dhow magaalada Rzeszów (Jeeshov). Garoonkan ayaa sidoo kale loo adeegsadaa gaadiidka iyo dib-u-rarista qalabka milatari ee ku wajahan Ukraine.

Nidaamka Patriot-ka ee Sweden ayaa la filayaa inuu goobta gaaro bisha Diseembar, waxaana la socon doona ciidamo Swedish ah oo tiradoodu wax yar ka badan tahay 100 qof. Intooda badan waxay ka tirsan yihiin Guutada Difaaca Cirka ee Halmstad.

Ra’iisul Wasaaraha Sweden, Ulf Kristersson, ayaa shir jaraa’id ka sheegay: “Khatarta sii kordheysa ee dhinaca Ruushka waxay ka dhigan tahay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xarumahan saadka.”

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Sweden, Maria Malmer Stenergard, ayaa iyaduna sheegtay in ujeeddada hawlgalku tahay “in la hubiyo in taageerada milatari iyo tan rayidka ah ee Ukraine ay sii socoto”, iyadoo carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay hawshan, sida ay werisay wakaaladda wararka ee TT.

Ad