Home Wararka Maanta Maxkamadda gobolka oo xukuno adag ku ridday saraakiil lagu helay musuq-maasuq

Maxkamadda gobolka oo xukuno adag ku ridday saraakiil lagu helay musuq-maasuq

0

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka, wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe iyo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, kuwaas oo lagu helay kiisas la xiriira musuq-maasuq.

Maxakamadda oo ku dhowaaqday xukunka 11 qof, ayaa waxaa ku jiray agaasimeyaqshii hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga oo iyaga lagu waayay wax dambi ah.

Sidoo kale waxaa xukuno xabsi ah oo u dhexeeyo 2 sano iyo illaa 4 sano lagu ridday 5 kamid ah saraakiishii maxkamadda la horgeeyay, halka 4 kalena lagu waayay wax dambi ah, sida uu shaaciyay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Saalax Dabaan.

Ragga la xukumay ayaa kala ah:-

1-Maxamed Ibraahim Axmed oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa isaga oo maqane ah lagu xukumay 4 sano oo xarig ah.

2-Cabdiraxmaan Maxamed Cali Caadle oo isna ah sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa isaga oo maqane ah lagu xukumay 4 sano oo xarig ah iyo inuuna qaban karin xafiis dowladeed si joogto ah.

3-Abuukar Xasan Aadan oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka a iyo jinsiyadaha ayaa isaga oo maqane ah lagu xukumay 4 sano oo xarig ah.

4-Maxamed Xuseen Nageeye oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalkaa iyo jinsiyadaha ayaa isaga oo maqane ah lagu xukumay 2 sano oo xarig ah.

5-Cabdullaahi Daahir Wehliye oo sarkaal u shaqeynayay bankiga dhexe qaybta garoonka Aadan Cadde ayaa isaga oo maqane ah lagu xukumay 3 sano oo xarig ah iyo inuuna qaban karin xafiis dowladeed si joogto ah.

6-Cismaan Xasan Cosoble oo sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka a iyo jinsiyadaha ayaa lagu waayay wax dambi ah, waxayna maxkamadda ka bari yeeshay eedaha loo jeediyay.

7-Cabdalle Maxamed Axmed oo ka tirsan xafiiska hantidhowraha guud ee qaranka ayaa lagu waayay wax dambi ah, waxayna maxkamadda ka bari yeeshay eedaha loo jeediyay.

8-Cabdikaafi Xasan Maxamed sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka a iyo jinsiyadaha ayaa lagu waayay wax dambi ah, waxayna ka bari yeeshay eedaha loo soo jeediyay.

9-Jacfar Maxamed Axmed oo ahaa sarkaal ka tirsan wasaaradda ayaa lagu waayay wax dambi ah, waxayna ka bari yeeshay eedaha loo soo jeediyay.

Guddoomiye Saalax Dabbaan ayaa ugu dambeyntii shaaca ka qaaday in ciddii aan ku qanacsaneyn go’aankan uu u furan yahay racfaan muddo ku siman 30 cisho.

Ugu dambeyn guddoomiye Saalax Dabbaan ayaa ugu dambeyntii shaaca ka qaaday in ciddii aan ku qanacsaneyn go’aankan uu u furan yahay racfaan muddo ku siman 30 cisho.

 

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleIsraeliyiin u kala qeybsamay kuwa gargaarka u diidaya Gaza iyo kuwa doonaya in la fasaxo
Next articleMaraykanka oo Shaaciyay in Qaraxyo waawayn ka dhici doonaan Magaalada Muqdisho Asbuucaan