Home Wararka Caalamka Israeliyiin u kala qeybsamay kuwa gargaarka u diidaya Gaza iyo kuwa doonaya...

Israeliyiin u kala qeybsamay kuwa gargaarka u diidaya Gaza iyo kuwa doonaya in la fasaxo

0

Dagaalka Gaza oo leh wajiyo badan. Waxaa ka mid dhinaca gargaarka. Bilooyin kaddib markii Israeliyiintu bilaabeen in ay horjoogsadaan kolonyada gargaarka ee ka galeysa Gaza dhinaca Kerem Shalom, dagaalka wuxuu u wareegay wadooyin kale.

Kooxaha Israeliyiinta ayaa ku tartamaya sidii ay horjoogsan lahaayeen gargaarka ama ay u ilaalin lahaayeen kolonyada gargaar.

Dhawaan waxaa baraha bulshada la soo dhigay sawiro gawaarida gargaarka oo la bililiqeysanayo ama la xanibay.

Kooxaha garabka Midig oo ay ku jiraan Yahuudda la dajiyay Daanta Galbeed ayaa soo bandhigay muuqaallo muujinaya dad badan oo ay ku jiraan carruur kuwaas oo cuntada dhulka ku daadinayaa .

“Waa muhiim in gargaarka lajoojiyo” ayuu yiri mid ka mid ah dhaqdhaqaaqayaasha oo sheegay in ay tahay habka kaliya ay ku guuleysan karaan.

Dadka Gaza ku nool way macluulayaan, waa in gargaarka uu gaaraa” ayuu yiri mid ka mid ah kooxaha u ololeeya in gargaarka gaaro Gaza.

Kooxaha nabadda u ololeeya ayaa ku eedeeyay booliska iyo ciidamada ammaanka ee hoostaga wasiir Itamar Ben Gvir in aysan wax badan ka qabaneyn sidii loogu joojin lahaa kuwa weeraraya kolonyada gargaarka

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Maxkamada Gobalka Banaadir oo Ku Dhawaaqday inay Danbi Ku Waysay…
Next articleMaxkamadda gobolka oo xukuno adag ku ridday saraakiil lagu helay musuq-maasuq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here