Home Wararka Maanta Maraykanka oo Shaaciyay in Qaraxyo waawayn ka dhici doonaan Magaalada Muqdisho Asbuucaan

Maraykanka oo Shaaciyay in Qaraxyo waawayn ka dhici doonaan Magaalada Muqdisho Asbuucaan

0

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale digniin culus kasoo saartay suurtagalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kuwaas oo ay gaysan karaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay inay suuragal tahay in weeraradaas lagu beegsado garoonka Aadan Cadde iyo dekedda wayn ee Muqdisho.

Sidoo kale Mareykanka ayaa ka digay in la tego goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha iyo xarumaha xukuumadda, sida lagu sheegay farriintan digniinta ah.

Mareykankanku waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay adeegsan karto baabuur laga suu buuxiyay walxaha qarxa ama is-miidaamiin toos ah.

Waxaa kale oo warbixintan lagu caddeeyay in digniintan ay tahay mid khatarteeda ay aad u sarreyso, loona baahan yahay in la sameeyo feejignaan dheeri ah.

“Waxaa suuragal ah inay dhacaan weeraro argagixiso waxaa ku jiro in la adeegsado gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo qaraxyo ismiidaamin ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale yareysay dhaq-dhaqaaqa howlwadeenneedda ku sugan safaaradda magaalada Muqdisho, si looga taxadaro amnigooda.

Digniintan ayaa la gaarsiiyay level-4 oo lagu macneeyay in aan loo soo socdaali karin Soomaaliya, iyada oo muwaadiniinta Mareykanka looga digay safaradaasi.

Ad
Previous articleMaxkamadda gobolka oo xukuno adag ku ridday saraakiil lagu helay musuq-maasuq
Next articleXamaas oo Dagaal Qaraar kadib Nolosha Ku qabatay Askar israailiyiin ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here