Ku dhawaad 9,000 oo caruur ah ayaa laga daadgureynayaa magaalada Belgorod ee Ruushka iyo guud ahaan gobolka kadib duqeymo ay mas’uuliyiintu ku eedeyeen Ukraine.
Barasaabka Belgorod Vyacheslav Gladkov ayaa sheegay in saddex qof oo uu ku jiro ilmo yar ay ku dhaawacmeen weeraradii ugu dambeyay, halka qayb ka mid ah gobolka oo xuduud la leh Ukraine ay koronto la’aan tahay.
Wuxuu intaas ku daray in guud ahaan dhimashada ay dhan tahay 16 qof, 98 kalena ay ku dhaawacmeen, waxay ku soo beegantay maalmo ka dib markii weerarro xiriir ah lagu qaaday magaalada oo dhan ah,
Ardeyda Belgorod ayaa lagu amray inaysan iskuulada tegin Isniinta iyo Talaadada. Xarumaha wax iibsiga ee Belgorod ayaa iyaguna la xiray Axaddii iyo Isniintii. Amarka cusub ee daad-gureynta ayaa saameynaya dhowr tuulo oo ka tirsan magaalada Belgorod iyo dhowr tuulo oo ka tirsan qeybaha kale ee gobolka, ayuu Mr Gladkov u sheegay kulan ay isugu yimaadeen xisbiga Kremlin’s United Russia.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay