Home Wararka Maanta Mid kamid Taliyayaashii Ciidamadii Furimaha Galmudug kasoo Baxay oo Xilka Laga Qaaday

Mid kamid Taliyayaashii Ciidamadii Furimaha Galmudug kasoo Baxay oo Xilka Laga Qaaday

0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa xil ka qaadis iyo isbedel ku sameeyay qaar kamid ah taliyaasha guutooyinka ciidanka xoogga, kaddib markii ay fashilmeen howlgaladii ka dhanka ahaa Al Shabaab.

Jeneraal Ibraahim ayaana xilka ka qaaday ciidamada Guutada 27-aad ee Abuu Dujaana G/le Nuurdiin Xuseen Macalin, waxa uuna taliyaha xilkaasi u magcaaabay G/Le Maxamed Nuur Maxamed Cabdi .

Taliye ku xigeenka ciidanka Dhulka Gen C/laahi Aden Xusein (Ciiro) ayaa xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Guutada Abuu Dujaana iyo taliyaha cusub ee ciidankaasi dhawaan loo magacaabay.

Isbedelka lagu sameeyay qaar kamid ah taliyaasha guutooyinka ciidanka xoogga dalka ayaa imaanaya xilli uu joogsaday howlgalkii ka dhanka ahaa kooxda Al Shabaab ayna ciidanka dowladda kasoo baxeen deegaanno ay ka joogeen koonfurta gobolka Mudug.

Ad
Previous articleUkraine oo ku qasabtay Ruushka in uu ka qaxo Belgorod
Next articleGudoomiyihii Ciyaaraha Degmada Waaberi oo Muqdisho loogu Dilay Sabab Kaa Yaabinaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here