Home Wararka Maanta Ukraine oo ku qasabtay Ruushka in uu ka qaxo Belgorod

Ukraine oo ku qasabtay Ruushka in uu ka qaxo Belgorod

0

Ku dhawaad​​ 9,000 oo caruur ah ayaa laga daadgureynayaa magaalada Belgorod ee Ruushka iyo guud ahaan gobolka kadib duqeymo ay mas’uuliyiintu ku eedeyeen Ukraine.

Barasaabka Belgorod Vyacheslav Gladkov ayaa sheegay in saddex qof oo uu ku jiro ilmo yar ay ku dhaawacmeen weeraradii ugu dambeyay, halka qayb ka mid ah gobolka oo xuduud la leh Ukraine ay koronto la’aan tahay.

Wuxuu intaas ku daray in guud ahaan dhimashada ay dhan tahay 16 qof, 98 kalena ay ku dhaawacmeen, waxay ku soo beegantay maalmo ka dib markii weerarro xiriir ah lagu qaaday magaalada oo dhan ah,

Ardeyda Belgorod ayaa lagu amray inaysan iskuulada tegin Isniinta iyo Talaadada. Xarumaha wax iibsiga ee Belgorod ayaa iyaguna la xiray Axaddii iyo Isniintii. Amarka cusub ee daad-gureynta ayaa saameynaya dhowr tuulo oo ka tirsan magaalada Belgorod iyo dhowr tuulo oo ka tirsan qeybaha kale ee gobolka, ayuu Mr Gladkov u sheegay kulan ay isugu yimaadeen xisbiga Kremlin’s United Russia.

Ad
Previous articleMaraykanka oo Qasa ka sheegay wixii ay muddo iska indha tirayeen
Next articleMid kamid Taliyayaashii Ciidamadii Furimaha Galmudug kasoo Baxay oo Xilka Laga Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here