Home Wararka Maanta Maraykanka oo Qasa ka sheegay wixii ay muddo iska indha tirayeen

Maraykanka oo Qasa ka sheegay wixii ay muddo iska indha tirayeen

0

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay in xaalad hubanti la’aan ah ay la kulmayaan dadka reer Qasa iyada oo ay cunto la’aan heer sare ah oo soo wajahday dadka.

“Sida ay sheegayaan warbixinada ka imaanaya Qasa ee ah kuwa caalamiga ah, boqol kiiba boqol ah ayay dadka reer Qasa la halgamayaan cunto la’aan daran”, ayuu Blinken ka sheegay shir saxaafadeed uu ku qabtay dalka Philippines, halkaas oo booqasho ku joogo.

“Tani waa markii ugu horreysay oo bulsho dhan sidaan loo go’ doomiyo”

Blinken ayaa hadalkiisaan ku soo beegaya maalin ka hor booqashada uu ku tagi doono Bariga Dhexe, kulankaan ayay ku jiri doonaan wadamada soo xaadiraya Sacuudi Carabiya iyo Masar, si uu ugala hadlo dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin iyo kordhinta gelitaanka gargaarka bini’aadannimo ee Marinka Qasa.

Ad
Previous articleBeeshee ayuu kasoo Jeeday ninkii isku Qarxiyay Albaabka Hore ee Hotel SYL?
Next articleUkraine oo ku qasabtay Ruushka in uu ka qaxo Belgorod

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here