Wiilka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hor marqaati furay maxkamad ku taalla magaalada Istanbul, taasi oo la xiriirta shil dhimasho leh oo magaalada ka dhacay bishii November 2023.
Wasiirka cadaaladda Turkey Yilmaz Tunc ayaa bishii tagtay sheegay inuu kiiska kala hadlay dhiggiisa Soomaaliya, si loo qorsheeyo soo laabashada Maxamed.
Warbaahinta Turkey ayaa ku warantay in amarkii soo xiritaan iyo mamnuucistii safar ee ka dhanka ahaa Maxamed la baabi’iyey kadib markii uu hortagay oo uu hadal siiyey maxkamadda Caglayan ee Istanbul. Waxaa kadib sii daayey maxkamadda.
Maxamed ayaan qiran dambi, wuxuuna mar kale ku celiyey hadalkii uu sheegay waxyar kadib shilka, oo ahaa in Yunus uu lahaa khaladka shilka.
Shilkan ayaa halis geliyey xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Turkey. Duqa Istanbul Ekrem İmamoğlu oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka ayaa horey ugu eedeeyey dowladda “inay daciif tahay oo aysan difaaci karin shacabkeeda.”
Turkey ayaa xiriir dhow la laheyd Soomaaliya tan iyo 2011, markii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan – oo markaas ahaa ra’iisul wasaare – uu dalka booqday, isaga oo taageero u muujinaya Soomaaliya oo xilligaas ay ka jirtay abaar darran.
“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u xaqiijiyo in wiilkaygu uu ixtiraamo sharciga iyo kala dambeynta Turkiga, una hortago maxkamadaha Turkiga,” ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku yiri wareysiga.