Home Wararka Maanta Masuul ka Tirsanaa Gobalka Banaadir oo Goordhow la Dilay

Masuul ka Tirsanaa Gobalka Banaadir oo Goordhow la Dilay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil ay maanta ay kooxo hubeysan ka gaysteen qaybo kamid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa si gaar ah wuxuu uga dhacay xaafadda Ex-koontarool, gaar ahaan dhanka soo xigta degmada Dharenley, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay mas’uul ka tirsan maamulka Dharkenlay, kaas oo ahaa madaxii fasaxa dhimaha ee degmadaasi, isla markaana caan ka ahaa halkaasi, maadaama uu muddo dheer ka shaqeynayay degmada Dharkenley.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xassan Cali Gacal( Moosow) wuxuuna sidoo kale gacan yare u ahaa gudoomiyaha degmadaasi Yuusuf Xundubey.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in saddex nin ay ka dambeeyay toogashada, kuwaas oo beegsaday xilli mas’uulkan uu ku socday goobtiisa shaqada.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo maydka kasoo qaaday goobta, kadibna sameeyay howlgal, balse ma jirto natiijo kasoo baxday.

Dhanka kale illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaas iyo howlgallada xigay.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda ammaanka ee Muqdisho ayaa ahayd mid deggan, waxaana yaraaday dilalkii iyo qaraxyadii, kadib howlgallo ay sameeyeen ciidanka amniga.

Ad
Previous articleWiilkii uu Dhalay Xasan Shiikh oo la soo taagay maxkamadda magaalada Istanbul kadibna…
Next articleDawladda Ukraine oo Shaacisay in muwaadiniin u dhashay dalkeeda ay u Gacan Galeen Alshabaabka Ku Sugan Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here