Home Wararka Maanta Wiilkii uu Dhalay Xasan Shiikh oo la soo taagay maxkamadda magaalada Istanbul...

Wiilkii uu Dhalay Xasan Shiikh oo la soo taagay maxkamadda magaalada Istanbul kadibna…

0

Wiilka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hor marqaati furay maxkamad ku taalla magaalada Istanbul, taasi oo la xiriirta shil dhimasho leh oo magaalada ka dhacay bishii November 2023.

Amar soo xiritaan ayaa loo jaray Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii gaarigiisa uu gadaal kaga dhacay mooto uu waday Yunus Emre Gocer oo 38 jir ahaa 30-kii November. Yunus ayaa isbitaalka ku geeriyooday 6 maalin kadib, xilligaas oo Maxamed uu kahor ka tegay Turkey.

Wasiirka cadaaladda Turkey Yilmaz Tunc ayaa bishii tagtay sheegay inuu kiiska kala hadlay dhiggiisa Soomaaliya, si loo qorsheeyo soo laabashada Maxamed.

Warbaahinta Turkey ayaa ku warantay in amarkii soo xiritaan iyo mamnuucistii safar ee ka dhanka ahaa Maxamed la baabi’iyey kadib markii uu hortagay oo uu hadal siiyey maxkamadda Caglayan ee Istanbul. Waxaa kadib sii daayey maxkamadda.

Maxamed ayaan qiran dambi, wuxuuna mar kale ku celiyey hadalkii uu sheegay waxyar kadib shilka, oo ahaa in Yunus uu lahaa khaladka shilka.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee Istanbul ayaa horey u dalbaday xarig laba illaa lix sano ah. Dhageysiga dacwadda ayaa dib loo dhigay illaa 16-ka Janaayo.

Shilkan ayaa halis geliyey xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Turkey. Duqa Istanbul Ekrem İmamoğlu oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka ayaa horey ugu eedeeyey dowladda “inay daciif tahay oo aysan difaaci karin shacabkeeda.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wakaaladda wararka AP horey ugu sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah aanu ka cararin Turkiga. Waxa uu sheegay inuu kula taliyey inuu ku laabto, oo uu maxkamadda hortago.

Turkey ayaa xiriir dhow la laheyd Soomaaliya tan iyo 2011, markii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan – oo markaas ahaa ra’iisul wasaare – uu dalka booqday, isaga oo taageero u muujinaya Soomaaliya oo xilligaas ay ka jirtay abaar darran.

Turkiga waxa ay bixisay gargaar bini’aadannimo, waxa ay dhistay kaabayaal dhaqaale, waxayna saldhig milatari ka furtay Soomaaliya, halkaasi oo ay ku tababartay saraakiil militari iyo boolis.

“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u xaqiijiyo in wiilkaygu uu ixtiraamo sharciga iyo kala dambeynta Turkiga, una hortago maxkamadaha Turkiga,” ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku yiri wareysiga.

“Turkiga waa dal aan walaalo nahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. “Waxaan ixtiraameynaa shuruucda iyo cadaaladda iyo nidaamka garsoorka. Ka madaxweyne ahaan, marnaba ma oggolaan doono in qofna uu ku xad-gudbo nidaamka garsoorka dalkan.”
Ad
Previous articleWaa kuma garsooraha Soomaaliga ah ee maanta dhageysanaya dacwadda ‘xasuuqa’ ee laga gudbiyay Israa’iil
Next articleMasuul ka Tirsanaa Gobalka Banaadir oo Goordhow la Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here