Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda ayaa ka warbixiyay howlgallo ciidanka Xoogga iyo saxiibada Caalamka ka wadaan degaannada, Oobaale iyo Ciid-ciidka oo dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle, halkaasoo uu ka soconayo dagaal u dhaxeeyay ciidanka xoogga iyo al-Shabaab.
Wasiirka ayaa sheegay in howlgaladaa oo billowaday shalay walina socdaan jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab oo isku urursaneyay degaanno dhaca wabiga jiinkiisa, waxaana uu timaamay in khasaaraha dib ay kala soo wadaagi doonaan warbaahinta.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay howlgallo ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ay ka sameeyeen degaanka Qodqod ay ku dileen 30-katirasan al-shabaab kuwa kalana lagu dhaawacay, sidoo kalana ciidanka ay gubeen afar gaari, laba gaari oo kala iyo hub fara badana ay ay gacanta ku dhigeen.
Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha waweyn oo ay shacabka iyo geesiyaasha ciidanka xoogga ka soo hoyeen howlgallada ka dhanka ah khawaarijta, isla markaana ay sii socon doonaan howlgallada dalka looga xoreynayo Al-shabaab