Home Wararka Somaliya Galmudug Masuuliyiin Sar sare oo Gaaray Degmada Bacaadwayn oo Saakay Alshabaab laga Saaray(Sawiro)

Masuuliyiin Sar sare oo Gaaray Degmada Bacaadwayn oo Saakay Alshabaab laga Saaray(Sawiro)

0

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka kalluumeysiga XFS Axmed Xasan Aadan iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka lugta xoogga dalka General Cabdulaahi Aden xuseen Cirro ayaa Kormeeray Magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug oo saaka cadowga laga xoreeyey iyo fariisimaha ciidamadu ka sameysteen banaanada magaalada.

Howlgalka saaka lagu xoreeyey bacaadweyne iyo Qeycad ayaa lagu dilay ku dhawaad 20 ka tirsan khawaarijta tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen.

Masuuliyiinta oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay Magaalada bacaadweyn ayaa sheegay in Khawaarijta kahasaare xooggan lagu gaarsiiyey isla markaana aan looga hari doonin meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo ka hadashay dagaaladii cuslaa Oobaale & Ciid-ciidka
Next articleWararkii ugu dambeeyay ee dabkii xalay ka kacay Tog Wajaale