Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay dagaaladii cuslaa Oobaale &...

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay dagaaladii cuslaa Oobaale & Ciid-ciidka

0

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda ayaa ka warbixiyay howlgallo ciidanka Xoogga iyo saxiibada Caalamka ka wadaan degaannada, Oobaale iyo Ciid-ciidka oo dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle, halkaasoo uu ka soconayo dagaal u dhaxeeyay ciidanka xoogga iyo al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in howlgaladaa oo billowaday shalay walina socdaan jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab oo isku urursaneyay degaanno dhaca wabiga jiinkiisa, waxaana uu timaamay in khasaaraha dib ay kala soo wadaagi doonaan warbaahinta.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay howlgallo ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ay ka sameeyeen degaanka Qodqod ay ku dileen 30-katirasan al-shabaab kuwa kalana lagu dhaawacay, sidoo kalana ciidanka ay gubeen afar gaari, laba gaari oo kala iyo hub fara badana ay ay gacanta ku dhigeen.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha waweyn oo ay shacabka iyo geesiyaasha ciidanka xoogga ka soo hoyeen howlgallada ka dhanka ah khawaarijta, isla markaana ay sii socon doonaan howlgallada dalka looga xoreynayo Al-shabaab

Ciidanaka DF ayaa saacadihii ugu dambeeyay sheegtay iney guulo waaweyn ka soo hoyeen howlgallada ka dhanka ah khawaarijta iyo ciidamada saaka ay la wareegeen degaannada Bacaadweyn, Qaycad iyo dhammaan dhulka u dhaxeeya Qodqod iyo Magaalada Camaara.
Ad
Previous articleMuxuu ka yiri geerida wiilkiisa aabaha dhalay askarigii badbaadiyay madaxweynaha Galmudug?
Next articleMasuuliyiin Sar sare oo Gaaray Degmada Bacaadwayn oo Saakay Alshabaab laga Saaray(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here