Somaliland ayaa hadda sheegtay in kooxo Argagixiso oo kasoo baxay Buuraleyda gobalka Sanaag, tageen magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, sida ay kubaxeen Hargeisa ma sharaxin mana sheegin, laakiin tan lahubo waa in halka wado ee Buuraleydan u furan ay tahay jihada Ceerigaabo oo ay Somaliland maamusho.
Sidaas oo kale Somaliland ayaa istaraajiyadeed, dagaal kusoo dartay Buuhoodle, iyadoo markii u horeysay soo qaaday deegaano aan horey dagaalkii Sool u gaarin, taas oo ka dhigan bedelida wajiga dagaalka.
Argagixiso katimi Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose ayay SL sheegtay in ay Laascaanood tageen oo ay ogaatay, hayeeshee 15-kii Sanno ee lasoo dhaafay Somaliland oo maamuleysay Laascaanood ayaa ogaan weyday waxa dilalka qorsheysan geysan jiray.