Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Xasan Shiikh oo Dhuusmaareeb kulan Culus kula Qaatay Saraakiisha Hogaaminaysa Dagaalka...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Dhuusmaareeb kulan Culus kula Qaatay Saraakiisha Hogaaminaysa Dagaalka Alshabaab looga Saaraayo Galmudug(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Howlgalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha guutooyinka Gorgor ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, oo ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalka lagu ciribtirayo Alshabaab.

Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda dagaalka ciidanka xooga dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay kula jiraan Alshabaab uu u leeyahay jiritaanka dadka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in uu yahay halgan gobonimo u dirir ah oo la mid ah dagaalkii lagu raadinayay xorriyadda shacabka Soomaaliyeed iyo Qarankooda loogana soo horjeeday gummeystaha shisheeye.

“Waxaad ku jirtaan dagaal waafaqsan mabaadii’da Shareecada Islaamka loogana helayo ajar Alle agtiisa. Wadankaan wadadii uu ku gaari lahaa sharafta iyo karaamada umadaha kale leeyihiin ayaad naftiina u hureysaan, dowlada iyo shacabka Somaaliyeedna waa idin garab taaganyahay.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saraakiisha ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada uu dagaalku socdo ayaa kula dardaarmay in ay dadaalkooda meeshiisa kasii wadaan ayna laba jibbaaraan gulufka ka dhanka ah Khawaarijta iyaga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed .

Dagaalka Alshabaab ee ka Socda Galmudug ayaa Qaatay Waqtigii lafilaayay Waqti kabadan Madaxweyne Xasan Shiikh ayaana Bishii labaad kusugan Dhuusamareeb inkastoo Dhul Badan laga Qabsaday Alshabaab.

Maalmahaan soosocda ayaa la Filayaa in Alshabaab laga Saaro Guud ahaan Galmudug Dhanka kale Madaxweyne Qoor Qoor iyo Taliye Mahada Salaad iyo Wasiirka Gaashaandhiga ayaa Ku sugan Furimaha Dagaalka kuwaas oo Booqday Dhulbadan oo Alshabaab laga Saaray

Ad
Previous articleMadaxweyne Cabdiqaasim Salaad oo Al-shabaab ku tilmaamay ‘mushkilad’ hortaagan dadka iyo dowladda
Next articleSoomaaliland oo Sheegtay inay Weerari Doonto Buuhoodle iyo Magalooyin kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here