Home Wararka Maanta Agaasimihii Nabad sugida iyo Sirdoonka Puntland oo Geeriyooday

Agaasimihii Nabad sugida iyo Sirdoonka Puntland oo Geeriyooday

0

Cabdihakim Saciid, oo ahaa agaasimihii hay’adda sirdoonka Puntland (PISA) ee gobolka Bari ayaa ku geeriyooday magaalada Bosaso, sida Warbaahinta ay u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Puntland.

Geeridiisa oo ay kasoo wareegtay dhowr maalmood ayaa lala xiriiriyayaa inuu xanuunsanaa, halka warar qaar ay sheegyaaan inuu u geeriyooday cudurka safmarka ee Covid19 oo asiibay.

Wuxuu ahaa sarkaal qibrad wanaagsan u lahaa arrimaha sirdoonka, wuxuuna muddo dheer kamid ahaa saraakiisha hay’addaha sirdoonka maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Hay’ada Nabadsugida iyo sirdoonka Puntland (PISA) wali kama hadlin geerida sarkaalkan

Ad