Guddigii Ra’iisul Wasaaraha u saaray kala shaandheynta xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiga doorashada lagu muransanaa ayaa ku lug yeeshay fadeexo ku aadan inay sii daayeen xubno shaqaale rayid ahaa oo ku jiray 67 xubnood ee la soo eedeeyay.
Guddigan uu hoggaaminayay C/llaahi Carab oo ah Saaxibka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay cadaadis kaga yimid Taliyaha NISA oo u sii daayay xubnaha laga keenay cabashada ee ku jiray Guddiga doorashada lagu muransanaa.
Xubinta aan la bedelin ayaa lagu magacaabaa Yoonis Xasan Xuseen (Yoonis Alifow) oo ku jira Guddiga doorashada Dowlad Goboleedka Hirshabelle, kaasoo ka mid ahaa shaqaalaha Rayidka, kana soo shaqeeyay Madaxtooyada Villa Somalia, balse markii dambe u wareegtay hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha oo uu Guddoomiye Kuxigeen ka noqday.
Ninkan ayay horay u soo eedeeyeen Guddiga Shaqaalaha Rayidka inuu labo Mushaar qaadanayay, isla markaana magdhaw lacageed lagu soo rogay inuu bixiyo mid ka mid ah mushaarkii uu qaadanayay oo gaarayay 6,352 dollar.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay