Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Galmudug ayaa waxaa xalay howlgallo qorsheysan ka Fuliyeen degaano u dhaxeeyo Degmooyinka Wisil iyo Bacaadweyne Ee Gobalka Mudug.
Howlgallada ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen in ay ka dambeeyeen kadib markii dadka degaannadaas ay ku soo wargeliyeen in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay degaannadaas yimaadeen.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen saraakiisha in ay ka warhayaan Xubnaha Al-Shabaab eek u sugan degaankada Bacaaweyne, isla markaana dhawaan ay ka saari doonaan.
Inta u dhaxeysa degmooyinka Wisil Iyo Bacaadweyne Ee Gobalka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamada dowladda oo garab ka helaya Shacab hubeysan & Al-Shabaab.
Ad