Weerar iyo Bililiqo xooggan ayaa loo geystay Dhismaha Safaarada Dowladda Qatar ku leedahay caasimadda Sudan ee Khartoum.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan ayaa lagu sheegay inay Kooxda Gurmadka degdega ee RSF boob xooggan u geysteen Safaarada Qadar, waxayna si kulul cambaareeyeen bililiqadaasi
Bayaanka ayaa lagu xusay inay Ciidanka RSF boob u geysteen Qalabkii Safaaradda yaallay, sida Kombiyuutarada iyo Gaadiidka Safaaradda, isla markaana ay burburiyeen hantidii kale ee ay Safaarada Qatar lahayd.
Xiliga uu weerarkan dhacay ayaa waxaa safaarada joogay ilaalo kooban, iyadoo dowlada Qatar ay horey diblomaasiyiinteeda ugala baxday magaalada Khartuum.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaaraysay Boobka loo geystay Safaaradaha dalalka Qatar, Sacuudiga iyo Turkiye ku leeyihiin Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.
Todobaadkii hore, Dhismaha Safaaradda Somalia ku leedahay Caasimadda dalkaasi ee Khartoum ayaa la bililiqeystay, waxaana lagu eedeeyey inay Ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF ka dambeeyeen.