Nin u dhashay Shiinaha oo ku nool gobalka Sichuan ayaa lagu soo warramayaa inuu jilbaha dhulka dhigtay muddo 21 saacadood oo xiriir ah si uu jaceylkiisa hore uga dhaadhiciyo inay dib u midoobaan.
Dhibanahan jaceyl ayaa qabsaday hadalheynta baraha Shiinaha kadib markii jilba-jabsigii uu bilaabay saacaddu markay ahayd 1 pm March 28 uu ka kacay 10 am maalintii xigtay. Wuxuu u gegsaday dhaxanta iyo qabowga iyo eegmada ballaaran ee dadweynuhu kusoo dhuganayeen. Muggii hore, cidna ma siinin tixgelin ninkan oo la jilba-dhigtay rucub ubaxyo ah laakiin in yar kadib waxaa hareerihiisa ka abuurmay saxmad iyo buuq ka dhashay dadweynihii iskugu soo xoomay agagaarkiisa.
“War qoftu kumaba rabtee maxaad iskugu daalinaysa jilba-jabsi,” ayuu ku yiri mid kamid ah dadkii goobjoogga ahaa.
Laakiin ninkan ayaa lagu soo warramay inuusan dheg jalaq u siinin hadalladii kaga imaanayay dadweynaha ee ku aadanaa jilba-dhigashadiisa.
“Ma dambi baa inaan jilba-dhigto? — haddii aysan ahayn, fadlan iga joojiya hadaltirada,” ayuu ku yiri dadweynaha.
21 saac kaddib ayuu isaga tagay goobta markii uu u gegsan waayay qabowga daran.
“Maxaad naftaada u bahdilaysaa? Ha baxdee iska dhaaf,” ayuu usoo qoray mid kamid ah aragti dhiibtayaasha.
“Muuqaalkan ayaan ka fahmay sababta ay saaxiibtaa kaaga tagtay!” ayuu usii raaciyay mid ka