Home Wararka Maanta ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐Œ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐—๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐Œ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐—๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š

0

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Xisaabiyaha guud ee Dowladda iyo heshiisyo iskaashi oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Qatar.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, kaas oo loo magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo leh khibrad dhanka Maamulka iyo Maaliyadda.

Golaha ayaa ansixiyey heshiis Iskaashi Maamul wadaag oo ku saabsan dhaqan-gelinta Sharciga Canshuuraha Kastamada Soomaaliya iyo Qatar, Soo jeedin ku saabsan ku biirista aagga ganacsiga xorta ah ee dalalka Carbeed iyo Heshiiska Is-af-garad ee Iskaashiga Arrimaha Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya iyo Qatar.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey golaha howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, wuxuuna goluhu boggaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaareen goobihii cadowga laga sifeeyey.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan ka dhageystay guddiga gurmadka soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku goโ€™doonsan colaadda ka taagan Suudaan.

Ad
Previous articleNin fal Layaab leh u sameeyay si ay ugu soo noqoto Gacalisadiisa ay kala hareen(Sawirro)
Next articleHaweeney marar kala duwan dishay 12 kamid ah saaxiibbadeed oo gacanta lagusoo dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here