Home Wararka Maanta Nin fal Layaab leh u sameeyay si ay ugu soo noqoto Gacalisadiisa...

Nin fal Layaab leh u sameeyay si ay ugu soo noqoto Gacalisadiisa ay kala hareen(Sawirro)

0

Nin u dhashay Shiinaha oo ku nool gobalka Sichuan ayaa lagu soo warramayaa inuu jilbaha dhulka dhigtay muddo 21 saacadood oo xiriir ah si uu jaceylkiisa hore uga dhaadhiciyo inay dib u midoobaan.

Dhibanahan jaceyl ayaa qabsaday hadalheynta baraha Shiinaha kadib markii jilba-jabsigii uu bilaabay saacaddu markay ahayd 1 pm March 28 uu ka kacay 10 am maalintii xigtay. Wuxuu u gegsaday dhaxanta iyo qabowga iyo eegmada ballaaran ee dadweynuhu kusoo dhuganayeen. Muggii hore, cidna ma siinin tixgelin ninkan oo la jilba-dhigtay rucub ubaxyo ah laakiin in yar kadib waxaa hareerihiisa ka abuurmay saxmad iyo buuq ka dhashay dadweynihii iskugu soo xoomay agagaarkiisa.

“War qoftu kumaba rabtee maxaad iskugu daalinaysa jilba-jabsi,” ayuu ku yiri mid kamid ah dadkii goobjoogga ahaa.

Laakiin ninkan ayaa lagu soo warramay inuusan dheg jalaq u siinin hadalladii kaga imaanayay dadweynaha ee ku aadanaa jilba-dhigashadiisa.

“Ma dambi baa inaan jilba-dhigto? — haddii aysan ahayn, fadlan iga joojiya hadaltirada,” ayuu ku yiri dadweynaha.

21 saac kaddib ayuu isaga tagay goobta markii uu u gegsan waayay qabowga daran.

“Maxaad naftaada u bahdilaysaa? Ha baxdee iska dhaaf,” ayuu usoo qoray mid kamid ah aragti dhiibtayaasha.

“Muuqaalkan ayaan ka fahmay sababta ay saaxiibtaa kaaga tagtay!” ayuu usii raaciyay mid ka

Ad
Previous articleKooxda Wagner oo Ku Biirtay dagaalka ka socda Sudan iyo Mareykanka oo ka hadlay
Next article𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here