Home Wararka Maanta Kooxda Wagner oo Ku Biirtay dagaalka ka socda Sudan iyo Mareykanka oo...

Kooxda Wagner oo Ku Biirtay dagaalka ka socda Sudan iyo Mareykanka oo ka hadlay

0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kooxda calooshood u shaqeestayaasha milatari ee taageerada ka hela dowladda Ruushka ee Wagner, qeyb ka yihiin dagaalka xooggan ee xilligan ka socda dalka Sudan.

Warbaahino caalami ah oo soo xiganaya ilo sirdoon ayaa tabiyay in hoggaanka kooxda Wagner ay hub ku taageereen ciidamada sida milatariga u tababaran ee RSF ,kuwaa oo dagaal kula jira ciidamada milatariga Sudan.

Kooxda Wagner ayaa la sheegay in si hoose iyo si toos ahba in ay u taageerayaan ciidamada RSF uu hoggaamiyo General Mohammed Hamdan Dagalo , iyaga oo ku caawinaya saanad hub ah iyo farsamooyin kalaba.

Sargaal horey uga tirsanaa dowladda Mareykanka ayaa sheegay in kooxda Wagner  inay geynayaan Sudan, hubka sida fudud loo qaadi karo, ee loogu talo galay difaaca hawada, gantaallada garabka laga rido, iyo hub kala duwan oo kale.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa walaac xooggan ka muujiyay ku lug lahaan-shaha colaada Sudan kooxda Ruushka ee Wagner, waxa uuna sheegay in ku lug lahaanshaha kooxda ay awood u leedahay in ay sii huriso colaadda.

Kooxda RSF ee dagaalka kula jirta milatariga Sudan ayaa dhankeeda beenisay in ay taageero ka helayaan dowladda Ruushka iyo sidoo kale kooxda Wagner ee ka macaashta goobaha ay dagaalada ka jiraan.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey ee Xil Ka Qaadis Lagu Samaynaayo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Odawaaa
Next articleNin fal Layaab leh u sameeyay si ay ugu soo noqoto Gacalisadiisa ay kala hareen(Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here