Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gorgor oo gacan ka helayay ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa Al Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Dabagala ee koonfurta gobolka Mudug.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid kaddib markii ciidamada milatariga iyo kuwa daraawiishta Galmudug weerar ku qaadeen fariisimo Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Dabagala
Dagaal culus ayaana labada dhinac ku dhax maray deegaankaasi, waxaana wararka qaar ee la helayo sheegayaan in dagaalka ay daba socdeen duqeymo diyaaradeed oo lala beegsanayay fariisimaha Al Shabaab.
Saraakiisha ciidanka dowladda hoggaaminayay ayaa guulo ka sheegtay dagaalka ay la galeen Al Shabaab, waxa ayna saraakiisha sheegeen in Al Shabaab ka saareen deegaankii ay weerareen ayna halkaasi kaga dileen xubno badan.