Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo mar kale xirtay Cabdalla Muumin oo Dhawaan Xabsi...

Dowlada Soomaaliya oo mar kale xirtay Cabdalla Muumin oo Dhawaan Xabsi lagu Xukumay

0

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS) Cabdalla Axmed Muumin ayaa maanta waxaa mar kale xiray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qareenkiisa Cabdiraxman Xassan, oo goobjoog ahaa xilliga la xirayay Cabdalla Muumin, ayaa sheegay in markii hore ay u yimaadeen gaashaanle ka tirsan booliska Soomaaliya iyo nin dhar cad oo u sheegay Cabdalla Muumin inuu xiranyahay.

Xilliga la xirayay Wariye Cabdalla Muumin waxa uu ku sugnaa Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ugu qeyb galayay kullan uu soo agaasimay Aqalka Sare oo looga hadlayay Hindise Sharciyeedka cunaqabateynta maaliyadda ee cayiman ee ay dhawaan Golaha Wasiirada ee dowladda Somaliya ansixiyeen.

Qareenka Cabdalla ayaa sheegay inuu halkaasi ka dhacay buuq iyo murran muddo socday, kadib markii ay iyaga iyo ilaaladii hotelka ka codsadeen ciidamada in la tuso waaranka ama warqadda Maxkamadeed ee xiritaankiisa, markii danbana ay xoog ku ka-xeysteen.

Cabdalla Muumin ayaa sidan oo kale waxaa 11-kii bishii October ee sanadkii hore Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kasoo xiray ciidamada dowladda, iyadoo lagu eedeeyay eedo ay ka mid ahaayeen sumcad dil iyo amar diido.

Kadib dhageysiga dacwadiisa oo soo martay 4 wareeg, ayaa 13-kii bishan Febaraayo waxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ku xukuntay Cabdalla Muunim laba bilood oo xabsi ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud ayaa xilligaas sheegay in go’aankan loo cuksaday hal qodob oo ka mid ah saddex eed oo markii hore loo soo jeediyay Cabdalla iyadda oo labada kale lagu waayey.

Sida uu Qareenkiisa Cabdiraxman Xassan u sheegay VOA-da, Celcelis ahaan waxa uu xabsi toos ah ku jiray Cabdalla Muumin muddo 10 maalmood ah oo kala duduwan.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal Qaraar oo Ciidamada Galmudug iyo Alshabaab ku Dhexmaray Koonfurta Mudug
Next articleMareykanka oo Muuse Biixi kala hadlay Dagaalka uu Ku Qaaday Laas Caanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here