Maxaabiistii ku xidhnayd xabsiga dhexe ee Laascanood ayaa qoryaha ka furatay ciidamadii Asluubta iska hor imaad cabaar socday kaddibna waxaanay ka baxsadeen jeelka.
Qaarkood ayaa u xidhnaa dilal iyo kiisas kale oo culculus.
Wararka naga soo gaaraya goolka Sool ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ku wajahan yahay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah isinka guud ee beelaha SSC.
Garaadka ayaa halkaasi uga qeyb gali doona shir looga hadlaho aayaha magaalada Laascaanood oo maanta furmayo, iyadoo shirka go’aan looga gaari doono waxa laga yeelayo rabshadihii dhawaan ka dhacay Laascaanood.
Garaad Jaamac oo gaadiid dagaal oo fara badan wata ayaa ku wajahan xarunta gobolka Sool, waxaana socota diyaar garowgii u danbeeyay ee loogu jiro soo dhaweyntiisa.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay