Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ayaa sii waddo dadaalada ay tahay in lagu xaqiijiyo ammaanka Magaalada Muqdisho, ka dib weerarkii 27-kii bishii November ay dableyda Al-Shabaab ka tirsan ka gaysatay Hotel Villa Rays oo ku dhow Xarunta Madaxtooyada Qaranka.
Wasaaradda ayaa toddobaadkii hore soo kordhisay qorshe lagu baarayo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, marka ay taggayaan Xaruntooda Villa Hargeisa oo ku dhex taala Aqalka Villa Somalia.
Wasaaradda ayaa sidoo kale kordhisay tirada dharcadka ee qaabka qarsoon uga hawlgala xaafadaha 17-ka degmo ee magaalada, tani oo qayb ka ah tallaabada ay Dowladda Federaalka u qaadday sugidda amniga magaalada, ka gadaal weerarkiii Villa Rays oo dad badani la anfariireen, bacdamaa uu hotelkaasi ku yaalo xeendaabka aqalka dalka looga arrimiyo, oo ah goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Taliska Hay’adda NISA uu shaqaaleysiiyay in ka badan laba laab dharcadkii ku daadsanaa magaalada, welina uu talisku wado qorista shaqaalaha cusub ee la hawlgelinayo.
Villa Somalia ayaa fahamsan in maleeshiyada Al-Shabaab ee dagaalada looga soo saarayo gobolada dalka ay soo gelayaan caasimadda Muqdisho, oo ay u arkaan goob ay gabaad ka dhigan karaan, oo dadka degana aysan is aqoon, isla-markaana ay ka gaysan karaan falal amniga ka baxsan.
Ciidamada dharcadka ayay shaqadoodu tahay inay laamaha amniga ku soo wargeliyaan cid kasta oo falal amni-darro ay la xiriiriyaan iyo dadka aan la garanayn ee xaafadaha magaalada ku soo kordha, waana dharcadka ay tahay iyadoo aan guryaha la baarin inay soo ogaadaan wixii ku nool, waana xoogaga dahsoon ee aan ku ekaan doonin xaafadaha, balse sidoo kale ka hawlgeli doono goobaha ay bulshada isugu timaado iyo weliba suuqyada magaalada.
Khubarada amniga ayaa sheegaya in Shabaabku ay isku dayi doonaan fal kasta oo aargudasho ah, haddii ay ka careysan gulufka ballaaran ee kaga furan gobolada dalka, gaar ahaan kuwa bartamaha, oo xaaladi ay ka qabsatay.
Mar sii horreysay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka digay xubnaha Shabaabka ee ku soo firxanaya caasimadda.
Weerarkii Villa Rays Hotel ayaa ugu dambeeyay saddex weerar oo Al-Shabaab ka gaysatay magaalada, tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waana weerarka ay Madaxda Qaranku ku baraarugeen halista dhabta ah ee kooxaha hubeysan ee dalka ka dagaalama.