Home Wararka Maanta Deni Oo Is-Hortaag Ku Sameeyay Safar Ay Puntland Ku Tagi Leheyd Wasiir...

Deni Oo Is-Hortaag Ku Sameeyay Safar Ay Puntland Ku Tagi Leheyd Wasiir Khadiija Al-Makhsuumi.

0

maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa la sheegay inuu is-hortaag ku sameeyay safar ay deegaanada Puntland maanta ku tagi leheyd Wasiirka Deegaanka iyo isbedelka Cimilada dowladda Soomaaliya.

Sida warbaahinta qaar ee Puntland qoreyso, wasiir Khadiija Al-Makhsuumi ayaa ujeedka safarkeeda ahaa sidii ay u tagi leheyd Deegaan u dhexeeya Garacad iyo Godob-jiraan oo ah deegaan uu bacaad badan ku habsaday, si ay qeyla dhaan ugu muujiso beesha caalamka iyo dowladda in wax laga qabto xaaladda adag ee ka jirto halkaasi, gurmad deg deg ahna lala gaaro dadkii degenaa oo isaga barakacay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeyso in maamulka madaxweyne Deni uu baajiyo socdaalka Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, wuxuuna qorsheheeda ahaa in marka hore ay ku hormarto Garoowe, halkaasna ay iska raacaan xubno kamid ah maamulka Puntland.

Arrintan ayaa sare usii qaadeyso khilaafka curdunka ah ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland, wuxuuna Deni ka careysan yahay in waxyaabihii uu ka filayay aaney ka helin madaxweynaha Xasan oo uu aaminsan yahay inuu wax ka soo dhistay.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Cabdi Sheekeeye oo Lagu Dilay Degaanka Ceelasha Biyaha
Next articleCiidamada Beesha Dowlada iyo Kuwa Macawislayda Oo ku Hareeraysan Degmada aadan Yabaal