Home Wararka Maanta Ciidamada Beesha Dowlada iyo Kuwa Macawislayda Oo ku Hareeraysan Degmada aadan Yabaal

Ciidamada Beesha Dowlada iyo Kuwa Macawislayda Oo ku Hareeraysan Degmada aadan Yabaal

0

Ciidamadda dowladda iyo maleeshiyaadla deegaanka ee Macwuusleey ayaa kaabiga ku haya degmada Aadan Yabaal oo ah saldhigga ugu weyn ee kooxda Shabaab ku leedahay gobolka Sh.Dhexe.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Ciidamo ay kala wataan Col. Saney Cabdulle, Cali Xuubey, Macawuusleey iyo Cutubyo ka tirsan Gorgor ay haatan ku sugan yihiin degaan lagu magacaabo Mabaax oo ah banaanka magaalada, sidoo kale Ciidamo uu horkacayo taliyaha dhulka Jeneral bixii oo ka baxay degmada Cadalle ayaa ku biiray howlgalka kuwaas oo fariisin ka dhigtay meel 4km u jirta degmad Aadan Yanaal.

Xaaladda ayaa kacsan maanta waxaana xusid mudan in la jaray Isgarsiintii magaalada sidoo kalana ay ka baxeen dhamaan Dadkii shacabka ahaa.

Saraakiisha Shabaan iyo inta badan ciidamadooda ayaa sidoo kale lagu soo waramayaan iney baneeyeen saldhigyadoodii, iyagoo hore usii qaatay Matooro waaweyn oo yaalay Aadan Yabaal.

Si kastaba, degmada Aadan yabaal hadii Shabaab laga qabsado waxey ka dhigan tahay inuu waayihii kooxda ee Hirshabelle uu iska soo dhanaaday, waxaana degmadan ay eheyd halka laga abaabulo gulufka Hiiraan iyo Sh.Dhexe ee kooxdan.Ciidamadda Huwanta oo qarka u saaran degmada Aadan Yabaal kadib markii….

Ad
Previous articleDeni Oo Is-Hortaag Ku Sameeyay Safar Ay Puntland Ku Tagi Leheyd Wasiir Khadiija Al-Makhsuumi.
Next articleDeni oo maantay kusoo wajahan Muqdisho Kadib Markii uu Diiday Wafdi Dowlada Kasocda oo garowe ku wajahnaaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here